dadka naafada somaliyed ayaa hambalyo u diraya Reysul Wasaaraha Cusub Mudane Maxmed Xusen Rooble oo loo magacabay xilka wasiirka kowaad ee dowlada federaalka 18 bish 9aad 2020. kaa oo helay kalsoonida codka barlamanak 24 bisha September sandka 2020. Dadka naafada ayaa farxad ku soo dhoweyee reysul wasaaraha cusub iyaka oo u rajeeyn guul iyo waxqabad
dadka naafada ayaa ugu baaqaya reysul wasaaraha cusun Mudane Maxamed Xusen Rooble in la uu yimaado hal abuur iyo waxaqabad ka duwan xukmadahi isaga ka horeeye oo ka gaabisey aarimaha naafada oo ah kuwo mudo dheer cabasho ay ka ahaayen xaquuqaad kaga xaryiran golaha wasiirada.
dadka naafada ayaa cod xoogan ku dalbaday in ay helaan
- Dhameestirka shuruucda dadka naafada
- Dhismaha hayada naafada qaran
- Abuurida Wasaaarada Naafo ama Wasiirudwolaha Arimaha Naafada oo hostago xafiska reysul wasaaraha
- Abuurida waxayo iyo agaasin naafada 26 wasaaradood iyo Wasaaradaha Dowlada Goboledyada
- Ka Qeeyb Gal siyaasada iyo Sharcidejinta dalka
- Ka Qeeyb Gal Horumarka arimaha bulshada, daqalaha, shaqoyinka iyo siyaasada
dadka naafada ayaa ugu baqay reysul waasare Maxamed Xusen Rooble iyo Madaxweynaha Somaliya Maxamed cabdulahi farmajo in hubiyaan kor uqaaida sharafta iyo karaamada dadka naafada kana qeeyb geliyaan hanaanka dowaliga ee dalka
dadka naafada ayaa ah kuwo mudo dheer dulmanaa   lana kulmo faquuq ka dhan ah.- Advertisement –
mahan markii ugu horeysay soo dhoweyan xukumad cusub balse waxaa dhor jeer ka qeyb qatey soo dhoweynta xukumadaha cusub oo la soo dhisa. kuwaa oo anan wax ka qaban dhibatada heysata.
1 comment
Neque porro quisquam est, qui dolorem ipsum quia dolor sit amet, consectetur, adipisci velit, sed quia non numquam eius modi tempora incidunt ut labore.